Ku soo dhowaada barnaamijka Ilayska VOA oo ku saabsan weerarada lagu qaado goobaha lagu cibaadaysto, waxaa innala socodsiinayo Maxamed Colaad Xasan.
Sida ay soo tebinayso wakaaladda wararka ee Associated Press, booliiska Minneapolis ayaa qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey labada weerar ee lagu qaaday labadaasi masaajid toddobaadkii hore.
Ninkaasi ayaa booliisku ay sheegeen in magaciisa la yiraahdo Jackie Rahm Little oo 36 sano jir ah. Waxaana lagu soo oogay dacwad darajada labaad ee ah inuu dab qabadsiiyey goob lagu cibaadaysto 23-kii iyo 24-kii Abriil