Dalka Sudan waxaa weli ka sii qulqulata muwaadiniin ajaanib ah oo iskugu jira kuwa waddamadoodu daadguraynayaan iyo kuwo iskood u baxaya. Haddaba warkii ugu dambeeyay ee Somalida ka baxsanaysa colaadda Sudan, ayaa waxa ka waramaya safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Maxamed Sheekh Isaaq. Jamaal Axmed Cismaan ayaa la xiriirey oo weydiiyey xaaladda Soomaalida ee xilligan.