Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa kuwee ciidamada Ruushka ee lagu eedaynayo inay ku lug leeyihiin colaadda Sudan?


WASHINGTON— Warbaahin kala duwan ayaa tebisay in Yevgeny Prigozhin oo ah taliyaha ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay taageerto dawladda Ruushku inuu hub ugu yaboohay mid ka mida dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan.

Tan iyo markii uu dagaalku ka bilawday dalka Sudan, bilawgii bishan April, waxaa soo baxayey warar aan la xaqiijin iyo weliba ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay wakaaladaha wararka, kuwaas oo sheegaya in dagaalyahannada ciidamada Wagner ee Ruushku inay taageerayaan ciidamada sida milateriga u tababaran ee Sudan, iyaga oo ku caawinaya saanad hub ah.

Cameron Hudson oo ah sarkaal hore uga tirsanaan jiray wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, haatanna ka tirsan xarunta istaraatejiyadda ee CSIS ayaa u sheegay VOA, in ciidamada Wagner inay geynayaan Sudan, hubka sida fudud loo qaadi karo, ee loogu talo galay difaaca hawada, gantaallada garabka laga rido, iyo hub kala duwan oo kale.

Kooxda RSF ayaa beenisay inay taageero ka heshay Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in kooxda Wagner ee dalka Ruushku inay dhinac la safatay, ayaa khubaradu waxay ka digayaan in farogelinta debedeed ee colaadda Sudan inay uga sii daray xaaladda dalkaas, iyaga oo tusaale u soo qaatay, diiwaanka aan wanaagsanayn ee kooxdaasi ee ku saabsan xadgudubyada ay ku lugyeesheen ee ka dhacay qaaradda Afrika.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa salaasadii shalay sheegay in arrimaha la xidhiidha ku luglahaanshaha kooxdan ee colaadda Sudan inay tahay arrin u taalla hoggaanka qaaradda Afrika.

Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si weyn uga walaacsan ku luglahaanshaha kooxda Wagner Group ee colaadda Sudan, halkaas oo kooxdu ay ka waddo hawlo la xidhiidha, soo saarista macdanaha.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha kooxda ay awood u leedahay in ay sii huriso colaadda.

General Abdel Fattah Burhan oo ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo General Mohammed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan Hemedti oo ah taliyaha ciidamada RSF ayaa isku haysta awoodda dalkaas.

General Mohammed Hamdan ayaa la sheegay inuu u safray Moscow waxyar ka dib markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine, sannadkii hore, isaga oo raadinaya taageerada kooxda Wagner Group.

Jacqueline Burns oo ah sarkaal sare oo falanqaysa arrimaha siyaasadda kana tirsan RAND Corporation, oo ah hay'ad cilmi-baadhiseed oo qaabilsan siyaasadaha dunida, ayaa sheegtay in taageerada Ruushka ee Hemati inay ka dhigan tahay, iyada oo Ruushku uu ilaashanayo danihiisa.

Warbixintan waxaa qoray Salem Solomon sidoo kale waxaa qayb ka qaatay ​Patsy Widakuswara iyo Cindy Saine.

XS
SM
MD
LG