Khartuum —
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay khatar caafimaad oo kasoo socota shaybaar ku yaalla magaalada Khartuum ee dalka Sudan oo ay galeen ciidamo ka tirsan dhinacyada dagaallamaya.
WHO ayaa sheegtay in shaybaarkaas ay ku kaydsan yihiin noocyada ama muunadaha xanuunno ay ka mid yihiin dabaysha iyo jadeecada.
Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP waxaa inoo soo akhrisay Sahra Ciidle Nuur.