Dalka Kenya, waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambasay ee loogu jiro inay bilawdaan wadahalada siyaasadeed ee ay yeelanayaan madaxda dawladda iyo isbahaysiga mucaaridka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, hase yeeshee diyaargarowga iyo qaban qaabada ayaa u muuqda inay ku socdaan qaab gaabis ah oo ay dhinacyadu ka caga jiidayaan inay si toos ah ay u gudagalaan wadahalada.
Falan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in arrintan ay soo dedejin karto in tageerayaasha mucaaradka Kenya ay dib u bilaabaan dibadbaxyada ay xukuumadda dalkaas uga soo horjeedaan.
Khadar Xared ayaa faah-faahinta warkaan Nairobi kasoo diray.