Dalalka Reer Galbeedka ayaa dedaal ugu jira sidii ay Shiinaha uga dhaadhicin lahaayeen in uu Moscow kala xaajoodo in dagaalka Ukraine lasoo afjaro. Dhinaca kale, waxa jira walaac ah in Beijiing ay hubeyneyso Ruushka.
Guddoomiyaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ka dib kulan ay la qaadatay Madaxweynaha Shiinaha ku celisay toddobaadkan haddii Madaxweyne Xi Jinping uu Ruushka siiyo saanad malateri taasi oo wax weyn u dhimeysa xihiidhka Shiinaha iyo Midowga Yurub.
Warbixin gaar ah oo arrintan ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo direy Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub, Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.