Bannaanbaxyadii labadii asbuuc ee lasoo dhaafay ka dhacay dalka Kenya ayaa maanta baaqday, iyadoo hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Raila Odinga uu hakiyey kadib baaq ka yimid madaxweyne William Ruto oo ahaa in la joojiyo.
Isku socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ayaa guud ahaan shaqaynaya, xaaladduna way deggan tahay.
Bannaabaxyadan ayaa qaarkood ay isku beddeleen qalalaase ay dad waxyeello kasoo gaartay, goobo ganacsina lagu bililiqaystay.
Haddaba Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa aad u soo dhaweeyay in la hakiyay mudaaharaadyada.
Weriyaha VOA Intisaar Saalax Xuseen ayaa la kulantay qaar ka mid ah Soomaalida xaafadda Islii, oo aragtidooda la wadaagay VOA.