Muddo dheer dalalka Finland iyo Sweden siyaasaddoodu waxay ahayd in aanay ku biirin xulufo militari. Hase yeeshee siyaasaddaas ayaa isbeddeshay Bishii May ee 2022.
Labada dal ayaa xilligaas waxay codsi u gudbiyeen xulufada NATO si ay xubin uga noqdaan. Go’aankooda ayaa ka dhashay duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Finland wey ku guuleysatay dalabkeedii, laakiin wali Sweden albaabka lagama furin, waxaana diidan dalka Turkiga oo xubin ka ah. Haddaba waa maxay sababta?
Warbixin gaar ah oo arrintan ku saabsan waxaa magaalada London kasoo direy Wariyaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.