Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burkina Faso oo markale qaadday tallaabo ka dhan ah warbaahinta Faransiiska


Madaxa ciidamada xukuma Burkina Faso, Colonel Adam Nere
Madaxa ciidamada xukuma Burkina Faso, Colonel Adam Nere

Burkina Faso ayaa dalkeeda ka ceyrisay wariyayaal ka tirsan wargeysyada Le Monde iyo Liberation ee laga leeyahay dalka Faransiiska, sida ay labadaasi wargeys sheegeen Axadda maanta ah, waana tallaabadii ugu dambeysay ee militariga xukuma dalkaasi ku yaalla galbeedka Afrika ay ka qaadeen warbaahinta Faransiiska.

Burkina Faso oo sanadkii la soo dhaafay ay ka dheceen labo afgambi ayaa waxa ay dagaal kula jirtaa kooxo jihaadiyiin ah oo dalkaasi 2015-kii kaga soo tallaabay dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Wargeyska Le Monde ayaa xaqiijiyay in wakil wareedkooda dalkaasi iyo wakiil wareedka Liberation laga ceyriyay.

Labadan gabdhood ee wariyeyaasha ah ayay mas’uuliyiinta u yeereen fiidnimadii Jimcihii, iyagoo u qabtay 24 saac oo ay dalka uga baxaan. Wargeyska ayaa sheegay in labaduba ay saaka ka degeen Paris.

Afhayeenka dowladda Burkina Jean-Emmanuel Ouedraogo ayaa sheegay in Dawladdiisu ay si adag u cambaaraynayso waxa uu ugu yeeray “dadkan loo ekeysiiyay saxaafad si sumcadda dalka wax loogu dhimo”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

XS
SM
MD
LG