Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof dembi lagu xukumay madaxweyne maka noqon karaa Maraykan?


Waxaa jira shuruudo aad u yar oo lo dhigay qofka isu soo taagaya jagada madaxweynaha Maraykanka. Sida uu qabo dastuurka Maraykanku, qof kasta oo da'diisu ay tahay 35 jir, isla markaana ku dhashay gudaha Maraykanka, kuna noolaa 14 sannadood wuxuu xaq u leeyahay inuu isu soo taago jagada madaxweynaha.

Maadaama aanu dastuurku ku darin shuruudaha madaxtinimada, arrimaha la xidhiidha dembiyada la galay, qofka dacwad lagu soo oogay ama kan dembi lagu helay, lagama hor istaagi karo inay kursiga u cararaan, haddii uu buuxiyo shuruudaha kale.

Shuruudo cusub ma lagu dari karaa 'qofka u tartamaya madaxweynenimada'?

Maadaama ay shuruudaha madaxweynenimadu ay ku qoran yihiin dastuurka Maraykanka, golaha baarlamaanku (Congress) kuma dari karo shuruudo cusub, isaga oo aan wax laga bedelin dastuurka. Wax ka bedelka dastuurku maaha arrin fudud, uma baahna oo keliya, in saddex-meelood oo laba meelood oo ka mida labada aqal ee baarlamaanku inay ansixiyaan, balse waxay kaloo u baahan tahay inay ansixiyaan 75% ee golayaasha sharci-dejinta ee gobollada dalka Maraykanku.

Ma jiraan wax ficil ah oo qofka u diidaya inuu madaxweyne noqdo?

Wax-ka-beddelka 14-aad ee dastuurka Maraykanku waxa uu mamnuucayaa in qof kasta oo ku lug yeesha kacdoon ama fallaago ka dhan ah Maraykanka, inuu qabto xafiis dadweyne. Qodobkan ayaa la qoray wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee Mareykanka, qodobkani ma sheegin dambiyo kale.

Miyay jiraan madaxweynayaal Maraykan ah oo galay dambiyo?

Ma jiro madaxweyne Maraykan ah oo lagu xukumay dambi culus. Madaxweyne Richard Nixon ayaa sanadkii 1974-tii lagu eedeeyey inuu door ku lahaa fadeexaddii Watergate, hase ahaatee marna dembi laguma soo oogin. Waxa uu xilka iska casilay ka hor intii aanay intii aanay bilaaban maamuus ka xayuubintiisu, waxaana markii dambe cafis u fidiyay Madaxweyne Gerald Ford. Sidoo kale madaxweynayaasha Andrew Johnson, Bill Clinton iyo Donald Trump ayaa dhammaantood waxaa xilka ka xayuubiyey aqalka hoose ee Congresska ee dalka Mareykanka balse aqalka senate-ka ayaa wax dambi ah ku waayay. Xil ka qaadistuna ma ahayn eedo dembi.

Qof dembi lagu xukumay xil maka qaban karaa Congress-ka?

Jawaabtu waa Haa, Sida xafiiska madaxweynaha oo kale, dastuurka Maraykanku waxa uu dejiyay shuruudo aad u kooban oo looga baahan yahay ka mid noqoshada Congress-ka. Xubnaha aqalku waa in ay ahaadaan ugu yaraan 25 jir, waa in ay haystaan dhalashada Maraykanka ugu yaraan todobo sano, ayna ku noolaadaan gobolka ay matalaan. Senataradu waxay leeyihiin shuruudo la mid ah, laakiin shuruuda deganaanshaha ayaa la kordhiyey oo laga dhigay illaa sagaal sano, xagga da'dana waa inay ahaadaan ugu yaraan 30 sano jir. Ma jiro wax shuruud ah oo ka hadlaysa dembiyada.

Warbixintan waxa qoray Dora Mekouar

XS
SM
MD
LG