Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye u dhashay Mareykanka oo lagu xiray Ruushka


Handout image of reporter for U.S. newspaper The Wall Street Journal Evan Gershkovich
Handout image of reporter for U.S. newspaper The Wall Street Journal Evan Gershkovich

Ruushka ayaa khamiista maanta aheyd xiray saxafi Mareykanka oo magaalada Moscow uga soo warrama wargeyska Wall Street Journal ee kasoo baxa magaalada New York.

Dowladda Russia ayaa ku eedeysay wariye Evan Gershkovich jaajusnimo, waxana tani ay sii urjineysaa xiriirka diblamaasiyadeed ee Mareykanka iyo Ruushka oo aad u xumaa tan iyo marki uu maamulka Putin weeraray Ukriane sannadki 2022-ki.

Wargeyska uu saxafigan u shaqeeyo ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay isla markaana dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo. Aqalka Cad ayaa isma war kasoo baxay lagu sheegay in xaaladda wariyaha ay si toos ah ula socoto Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ay kala xaajooneyso Dowladda Ruushka.

Aqalka Cad wuxuu ku boorriyay muwaadiniinta Mareykanka ee degan Ruushka ama raba in ay u socdaalaan ay deg deg ah uga soo baxaan.

"Eeddaan basaasnimo waa wax lagu qoslo. Beegsashada muwaadiniinta Mareykanka ma ahan wax la aqbali karo.” Sida waxaa tiri afhayeenka Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Gershkovich, oo ah 31 jir ayaa Ruushka kasoo warramayay muddo lix sano ah. Wuxuu noqonayaa qofki ugu magaca weynaa oo Mareykan ah oo lagu xiro Ruushka, kaddib Brittney Griner oo aheyd gabadh ciyaarta kubadda gacanta oo laga soo daayay xabsi ku yaalla Ruushka 10-ki December.

XS
SM
MD
LG