Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Shil gaari oo ay ku dhimatay 14 qof, oo arday ay ku jirto


Kenya Nithi Bridge road accident
Kenya Nithi Bridge road accident

Nairobi – Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya inay shil gaadhi ku dhinteen afar iyo toban qof oo ay ku jiraan arday, ka dib markii ay isku dhaceen bas jaamacadeed iyo gaadhi kale oo rakaab ah oo marayey galbeedka magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen isla goobta uu shilku ka dhacay halka 2 qof oo kalena ay dhinteen intii loo sii waday cusbitaalka.

Baska waxaa saarnaa illaa 30 qof oo rakaab ah, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo lagu magcaabo Tom Odera.

Baska oo ka tegey caasimadda Nairobi kuna socday magaalada Nakuru, ayaa darawalka gaadhigu wuxuu markeliya lumiyey xakamayntii gaadhiga, isaga oo ku dhacay gaadhi kale oo waddada marayey.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Kenya. Hay'adda qaran ee badbaadada gaadiidka ayaa sheegtay toddobaadkii hore in illaa 974 qof ay shilal gaadhi ku dhinteen dalka oo dhan, tan iyo bishii January ee sannadkan.

AP

XS
SM
MD
LG