Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Basaasiin looga shakisan yahay Kuuriyada Woqooyi oo iska dhigay saxafiyiin ka socota VOA


Voice of America
Voice of America

WASHINGTON— Xubno looga shakisan yahay inay yihiin budhcadda computer-ada jabsada oo ka soo jeeda dalka Kuuriyada Woqooyi oo iska dhigayey inay yihiin saxafiyiin ka socota idaacadda Voice of American ayaa la xidhiidhay khubaro ku xeeldheer dhinaca siyaasadaha amniga nukliyeerka iyo xakamaynta faafista hubka.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee ay qaadaan kooxahani, iyaga oo isu ekaysiinaya inay yihiin weriyayaal ka socda hay'adaha warbaahinta ee waaweyn.

Basaasiintan isticmaalaya baraha isgaadhsiinta ayaa isku dayaya inay xogo sirdoon ay ka ururiyaan halka masuuliyiinta kala duwan ee caalamku ay ka taagan yihiin xukuumadda Kuuriyada Woqooyi, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Mandiant, oo ah shirkad Maraykan ah oo qaabilsan amniga Internetka oo hoostimaadda shirkadda Google.

Falalkan basaasbimada waxaa ku lug leh koox lagu magcaabo APT43 sidoo kalena loo yaqaano "Kimsuky", iyaga oo iska dhiga saxafiyiin, isla markaana bartilmaameedsada xafiisyada dawladda Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi, iyo weliba xarumaha cilmi-baadhista iyo machadyada daraasaadka siyaasadda.

Kooxdan ayaa iska dhigtay ugu yaraan toddoba saxafi oo ka kala tirsan illaa shan hay'adood oo warbaahinta ah, sida uu Gary Freas oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Mandiant uu u sheegay VOA.

Email ay heshay Mandiant oo ku taariikhaysnaa October 14, 2022, ayaa qofka fariintaas diray wuxuu iska dhigay weriye ka tirsan VOA, isaga oo su'aalo kala duwan weydiiyey cidda uu u dirayey, oo la xidhiidhay nidaamka gantaallada difaaca iyo hubka nukliyeerka ee dalka Kuuriyada Woqooyi, sidoo kale waxaa su'aalahaas ku jiray in dalka Pakistan uu sare u qaadayo miisaaniyaddiisa difaaca iyo inkale.

Qofka fariinta loo diray ayaa laga codsaday inuu muddo shan maalmood ah ugu soo diro jawaabaha su'aalaha la weydiiyey.

Nigel Gibbs oo u hadlay VOA ayaa sheegay inay ka warhayaan in jilayaal farsamo xumi inay isku dayeen inay iska dhigaan saxafiyiinta VOA, si ay macluumaad uga helaan dhinacyo kale, xogtaas oo ay ku jirto macluumaad la xidhiidha hawlaha xakamaynta fiditaanka hubka nukliyeerka, ayuu yidhi Gibbs.

Gibbs ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu hubinayo aqoonsiga weriyayaasha iyo in la iska warhayo dadka warka laga doonto.

Warbixintan waxaa wada qoray Steve Herman iyo Jeff Seldin

XS
SM
MD
LG