WASHINGTON — Xilli uu caalamka ka curtay loollan awoodeed oo u dhexeeya quwadaha waaweyn, ayaa haatan waxaa walaac xooggan laga muujinayaa bedqabka xadhkaha badda hoos mara oo dalalka caalamka isaga kala gudbiya Internetka, kuwaasoo xuddun u ah xiisadaha juqraafiyadeed ee ka dhex aloosan Maraykanka iyo Shiinaha, sida ay sheegayaan khurabaro kala duwani.
Justin Sherman oo aqoon durugsan u leh adeegyada Internetka, kana tirsan machadka daraasaadka siyaasadda ee Atlantic Council ee ku yaalla Washington, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters “in Marka laga hadlayo loollanka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ee dhinaca farsamada casriga ah, ama sidoo kale dhinaca basaasnimada iyo in xogaha la jabsado, inay xuddun u yihiin xadhkaha badda hoos mara.”
Tusaale ahaan, xadhkaha badda hoos mara ayaa ah, mid ka mida qodobada sida weyn u saameeya xidhiidhka aan cagaha adag ku taagnayn ee Shiinaha iyo Taiwan, taasoo Shiinuhu u arko Taiwan inay tahay gobol kamida – Sidoo kale arrintan ayaa ah udub dhexaadka ismaandhaafka Maraykanka iyo Shiinaha.
Bishii hore ayay ahayd markii la jaray xadhkaha internetka ee badda hoos mara ee isaga kala gudba Taiwan iyo jasiiradaha Matsu Islands, kuwaas oo ay maamusho Taiwan.
Jasiiradaha Matsu oo ay ku nool yihiin illaa 14,000 oo qof ayaa internetka ka heli jiray xadhkaha badda hoostooda mara, waxaana ay noqdeen kuwoo aan haysan adeega internetka.
Inkasta oo xukuumadda Taiwan ay ka gaabsatay inay faallo ka bixiso, haddana guddida qaran ee isgaadhsiinta ee Taiwan ayaa sheegay inay heleen caddaymo muujinaya in Markab laga leeyahay dalka Shiinuhu inuu jaray xadhkaha internetka, meel ka baxsan xeebaha Shiinaha illaa 50 KM, bilawgii bishii February. Guddida ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadyo ka dib in haddana markale uu Markab kale jaray xadhiga labaad ee internetka ee badda hoos mara.
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ka soo xigatay shirkadda isgaadhsiinta ee ugu weyn ee dalka Taiwan in illaa 27 jeer la jaray xadhkaha badda hoostooda mara ee Internetka qaada, shantii sano ee ugu dambaysay
Laanta afka Mandarin ee VOA oo la xidhiidhay safaaradda Shiinaha ee Washington iyo wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa weydiisay inay faallo ka bixiso, hase ahaatee waxaa loo sheegay in dawladda Beijing inaanay wax hadala ka bixinaynin arrimaha ku saabsan xadhkaha badda hoos mara.
Xadhkaha internetka qaada ee badda hoos mara ayaa ah kuwo aad u waaweyn, markasta oo dhaawac soo gaasho, waxaa isku duubmaya xadhkaha gudaha ku jira, kuwaas oo sababi kara, khataro kala duwan.
Mararka qaarkood ayaa loo bartilmaameedsadaa dano siyaasadeed, sida Ruushku muujiyey intii uu socday dagaalka Ukraine, isaga oo bartilmaameedsaday kaabayaasha internetka.
Joseph Hwang oo xubin ka ah Jaamacadda George Mason ayaa u sheegan laanta Mandarin ee VOA in hagaajinta xadhkaha la jaray bishii hore, ay ku baxayso lacag badan iyo weliba wakhti.
Wuxuu sheegay inay xadidan tahay lacagaha ay dalalka caalamku ku bixiyaan daryeelka xadhkaha, haddana marka ay dhacaan xaalado degdeg ahi, inay dhacdo inay wakhti qaadato in la helo cid hagaajisa. Tusaale ahaan, xadhkaha la jaray ee Taiwan, ayaa xilliga ugu horreeya ee la hagaajin karaa ay tahay bisha April 20-keeda, waxaana lacagta lagu hagaajinayaa ay u dhexeysaa $329,500 illaa $659000 oo lacagta Maraykanka ah.
Joseph ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in Taiwan, Maraykanka iyo xulaadooda qaaradda Aasiya, inay xoojiyaan iskaashigooda kaabayaasha badda hoos mara, iyaga oo maalgelinaya in badda hoos loo qodo oo xadhkaha la aaso, iyo in la yagleelo nidaam sharci oo qabanaya cidda sida badheedhka ah ama sida kama’a ah u jarta xadhkahaas.
Illa sannadkan 2023, waxaa dunida ka jira in ka badan 550 xadhig oo badda hoostooda mara, kuwas oo internetka isaga kala gudbiya daafaha caalamka, sida laga soo xigtay shirkadda TeleGeography ee fadhigeedu yahay dalkan Maraykanka.
Xadhkahan internetka ee badda hoos mara ayaa dherer ahaan lagu qiyaasay inay gaadhayaan illaa 1.4 milyan oo kiiloo meter oo dunida oo dhan ah.
Xadhkahan ayaa qaada 99.4% internetka dunida laga isticmaalo.
Warbixintan waxaa wada qoray Xiaoshan Xue iyo Adrianna Zhang