Waxaa maanta laga sooman yahay dunida Islaamka gaar ahaan deegaanada Soomaalida, kadib markii la arkay bilashada bisha Ramadan. Dalka Djibouti wuxuu ka mid yahay deegaanada Soomaalida ee sida weyn looga soo dhoweeyey curashada bisha Ramadan.
Weriyaha VOA ee dalkaas Ramadaan Muuse ayaa la sheekaystay qaar ka mida dadweynaha dalka Djibouti isaga oo wax ka weydiiyey xaaladda ay ugu soo gashay bisha barakaysani.