Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan ku dhufatay dalka Malawi, ayaa dishay in ka badan 350 qof


Locals in the Chiradzulu district of Malawi look at the damage on a road after mudslides and rockfalls in the area caused by the aftermath of Cyclone Freddy in Blantyre, Malawi, March 15, 2023.
Locals in the Chiradzulu district of Malawi look at the damage on a road after mudslides and rockfalls in the area caused by the aftermath of Cyclone Freddy in Blantyre, Malawi, March 15, 2023.

Masuuliyiinta dalka Malawi ayaa sheegay in duufaan xoog badan oo dalkaas ku dhufatay inay dishay in ka badan 350 qof, halka ay barakicisay kumanaan qof.

Hay'adda maamulka masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka Malawi ayaa khamiistii sheegtay in tirada dhimashadu ay marayso illaa 326 qof, kuwaas oo ku dhintay daadadka soo fatahay iyo dhul go' ka dhacay meelaha qaar.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay 14 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isaga oo ku baaqay in dalkiisa loo fidiyo gurmad caalami ah.

Dalka Mozambique ee deriska la ah Malawi ayaa isna laga soo sheegayaa in tirada dhimashadu ay gaadhay illaa 53 qof, iyada oo masuuliyiinta dalkaasi ay ka cabsi qabaan in tiradu ay intaad ka korodho, maadaama ay go'an tahay isgaadhsiinta tuulooyin badan oo ay duufaantu ku dhufatay.

Hay'adda saadaasha cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duufaantani ay bishii February 6-deedii ka soo bilaabantay xeebaha dalka Australia, iyada oo ka soo gudubtay badweynta hindiya, taasoo bishii February 21-keedii soo gaadhay xeebaha dalka Madagascar. Duufaanta ayaa xilligaas khasaare ba'an u geysatay dalkaas, iyada oo uga sii gudubtay dalka Mozambique, markii dambena ku dhufatay dalka Malawi.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, Reuters iyo AFP.

XS
SM
MD
LG