Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Namibia oo hakisay ruqsadda shirkad Ruush ah oo Uranium ka qodda dalkaas


FILE - This 2006 photo shows an open-pit uranium mine in Namibia. At the time, it was the third-largest uranium mine in the world. With energy demand set to soar in years to come, countries like Russia are looking to Africa to meet growing needs.
FILE - This 2006 photo shows an open-pit uranium mine in Namibia. At the time, it was the third-largest uranium mine in the world. With energy demand set to soar in years to come, countries like Russia are looking to Africa to meet growing needs.

WINDHOEK, NAMIBIYA - Maxkamad ku taalla dalka Namibia ayaa dhegaysanaysa racfaan ay ka qaadatay wakaaladda tamarta atomikada ee Ruushka ee loosoo gaabiyo Rosatom, taas oo doonaysa inay hesho ogolaanshaha la xidhiidha biyaha loo isticmaalo macdanta Uranium-ta.

Dawladda Namibia, oo ah tan labaad ee dunida ugu badan, soo saarista shidaalka Nukliyeerka, ayaa sannadkii hore sheegtay in shirkadda ay leedahay dawladda Ruushku ee Rosatom, inay ku guul daraysatay inay caddeeyaan, inaan habka ay u qodayaan macdanta Uranium-tu inaanu keenaynin wasakhawga hawada.

Shirkadda macdanta ayaa maxkamadda ka codsatay inay dhinac iska dhigto go'aanka wasaaradda beeraha, biyaha iyo dib u habaynta dhulka, iyada oo ku sababaysay inuu ka hor imanayo qodob ka mid ah dastuurka Namibia oo dhigaya in hay'adaha maamulku ay u dhaqmaan si cadaalad ah oo macquul ah.

Shirkaddan ayaa sheegtay inaan fursad loo siin ay ku caddayso habka ay u soo saarayso Uraniumta inaanu ahayn mid sumaynaya biyaha dhulka hoostiisa ku jira, kaas oo ay ku tiirsan yihiin nolol maalmeedka beeralayda deegaanku.

Afhayeen u hadlay shirkadda laga leeyahay Ruushka ayaa sheegay in shirkaddu ay inay ka dalbatay maxkamadda sare dib u eegis ku aaddan go'aan wasaaradda beeraha, isla markaana ay tixgeliso ogolaanshaha qodista.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda beeraha ee Namibia ayaa waraysi hore ugu sheegay VOA in shirkadda laga leeyahay Ruushku in looga baahan yahay inay soo bandhigto caddayn cilmiyaysan oo sheegaysa in habka ay u qodayaan Uranium-tu inaanu wasakhaynayn biyaha dhulka hoostiisa ku jira, haddii ay taas keenaana, ay u ogolaanayaan inay qodistooda bilaabaan.

Warkan waxaa qoray Vitalio Angula

XS
SM
MD
LG