Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson ayaa galinkii dambe ee shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Stockholm ku muujiyay sida uu uga niyad jabsan yahay in Finland ay ka mid noqoto gaashaanbuurta NATO laakiinse uu is weydiinayo xilliga dalkiisa uu ka mid noqon doono isbahaysigan.
Turkiga ayaa si weyn u diidan ka mid noqoshada Sweden ee NATO, waxayna Sweden ku eedaynayaan inay gabbaad siiyaan waxa uu Turkigu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.
Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan kasoo diray London.
Facebook Forum