Waxaa sii kordhaya tirada dadka magangelyo-doonka ah ee gaaraya dalka Canada iyagoo sii maraya xuduudda Mareykanka. Dadkaas oo ay kamid yihiin dhallinyaro Soomaali ah, ayaa lagu soo warramayaa inay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan xilligan lagu guda jiro qaboobaha.
Wariyaha VOA-da Xuseen Nuur Xaaji ayaa qadka taleefanka kula xiriiray Aweys Xaaji oo ah suxufi deggen magaalada Toronto ee dalka Canada, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa keenay kororka dadka soogalootiga ah ee kasoo taallaabaya xuduudda Mareykanka?
Facebook Forum