Daadihiyaha caanka ah ee barnaamijka Match of Day ama Ciyaaraha Maanta, dadka qaarkiina ay u yaqaanaan ciyaaraha toddobaadka Gary Lineker ayaa Sabtida dib u billaabi doona barnaamijkan, oo hakad uu ku yimid markii dowladda iyo BBC-du ay si weyn uga horyimaadeen qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku dhaliilay dowladda.
Qoraalka ayuu Lineker ku dhaliilay siyaasadda dowladda ee ku aadan muhaajiriinta kasoo gudbaya biyaha u dhexeeya dalalka France iyo Britain.
Wariyaha VOA-da, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan ku eegaya khilaafka u dhexeeyay Gary Lineker iyo BBC-da ee xalka laga gaaray iyo taariikhda barnaamijka caanka ah ee ciyaaraha BBC-da ee Match of the Day.
Facebook Forum