Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dalalka Midawga Yurub oo qorshaynaya dhoolatus wadajir ah


FILE - A naval officer works at the operation room of the EU NAVFOR, the European Union naval force responsible with anti-piracy patrols, at their headquarters in Northwood, England.
FILE - A naval officer works at the operation room of the EU NAVFOR, the European Union naval force responsible with anti-piracy patrols, at their headquarters in Northwood, England.

Midawga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay qabtaan dhoolatus wada jir ah oo ay samaynayaan ciidamadooda baddu, kaas oo ay doonayaan inay ku ilaaliyaan kaabayaashooda muhiimka ah ee dhinaca badda.

Walaaca la xidhiidha, khataraha ku iman kara kaabayaasha badda ee Midawga Yurub ayaa sii xoogaystay, ka dib weerarkii bishii September ee sannadkii hore lagu qaaday dhuumaha shidalka ee Nord Steam, kuwaas oo dhex mara badda Baltic-ga.

Midawga Yurub ayaa dib u cusboonaysiiyey istaraatejiyadohooda dhinaca amniga badda, iyaga oo soo saaray, laga bilaabo sannadka 2024, inay sannad walba qabtaa dhoolatus dhinaca badda ah, iyo inay isku xidhaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub, sidoo loo ilaashan lahaa dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha badda hoos mara iyo kaabayaasha kale ee badda ee muhiimka ah.

Madaxa dhinaca deegaanka u qaabilsan Midawga Yurub ayaa u sheegay Reuters, in dhoolatuskani uu qorshaysnaa ka hor weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka Nord Stream, hase ahaate la sii dardar geliyey qorshahan ka dib markii weerarkaasi dhacay.

MidawgaYurub ayaa haatan qorshaynaya inay kor u qaadaan iskaashiga Yurub iyo NATO ee dhinaca badda, isla markaana lagu daro, dhinaca ilaalaynta xeebaha iyo in laga hortago khataraha iman kara, iyada oo laga faa'iidaysanayo dayax-gacmeedada Midawga Yurub iyo la socoshada gaadiidka badda.

Reuters

XS
SM
MD
LG