Dowladda Turkiye ayaa bilowdey dib u dhiska meelo ka mid ah deeggaanadii uu ka dhacay dhul-gariirku bilawga bishii hore. Ku dhawaad 50,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirkaas ka dhacay Turkiga iyo Suuriya, halka uu saameeyey ku dhowaad 13 milyan oo qof.
Dadka ku dhintay dhulgariirka iyo kuwa ku dhaawacmayba waxa ku jiray dad Soomaaliyeed oo u badnaa ardey wax ka barata deegaanada uu dhul-gariirku ka dhacay.
Haddaba waa siddee xaaladda Soomaalidii ku wax yeelowday dhul-gariirkan, weriyaha VOA ee qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa waraystay Axmed Yuusuf Warsame oo deganaa magaalada Gaziantep oo ka mida meelaha uu dhulgariirku ka dhacay.
Wuxuu dib u milicsanayaa, xilligii dhulgariirku dhacay iyo sidii xaalku ahaa.
Facebook Forum