Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daraasad: Shirkadaha Maraykanka oo aan u arkin, Shiinaha meel mudan inay maalgashadaan


FILE - The American and Chinese flags wave at Genting Snow Park, Feb. 2, 2022, in Zhangjiakou, China. Most U.S. businesses surveyed by the American Chamber of Commerce in China expressed pessimism about the investment climate there going forward.
FILE - The American and Chinese flags wave at Genting Snow Park, Feb. 2, 2022, in Zhangjiakou, China. Most U.S. businesses surveyed by the American Chamber of Commerce in China expressed pessimism about the investment climate there going forward.

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa tilmaamaysa in isbedel xooggani ku yimi aragtida maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee ku aaddan dalka Shiinaha, taas oo haatan aad hoos ugu dhacday.

Shirkadaha Maraykanka ayaa 25-kii sannadood ee la soo dhaafay u arkayey dalka Shiinuhu inuu kaalmaha ugu horreeya kaga jiro, meelaha muhiimka ah ee ay maalgashadaan shirkadaha Maraykanku, ama ku wanaagsan dhinaca ganacsiga, hase ahaatee haatan suuqa Shiinuhu uguma jiro kaalmaha sare, shirkadaha Maraykanka.

Daraasad ay samaysay Rugta Ganacsiga Maraykanka ee Shiinaha, ayaa sheegtay in ra'yi ururin ay samaysay sannadkan 2023, ay ku ogaatay in 45% oo ka mida shirkadaha Maraykanka ee ra'yi ururintan ka qayb galay inaanu Shiinuhu ugu jirin saddexda meelood ee ugu mudan ee ay tahay in la maalgashado, waana hoos u dhacii ugu weynaa ee la arko muddo ku siman 25 sannadood.

Micheal Hart oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Maraykanka ee Shiinaha, ayaa sheegay in sannad ka hor, ra'yi ururin ay sameeyeen, ay 60% shirkadaha Maraykanku ay doorbidayeen inay maalgashadaan suuqyada Shiinaha.

Ra'yi ururintan ayaa markii hore la sameeyey intii u dhexeysay October 19 illaa November 16, ka hor intii aan la qaadin xannibaadaha dhinaca COVID19, balse waxaa mar kale la sameeyey ra'yi ururin kale oo degdeg ah, bishii February 2023, mana jirin wax isbedela oo ku yimi.

Laanta Afka Mandarin ku hadasha ee VOA oo la xidhiidhay safaaradda Shiinaha ee Maraykanka ayaa ka heshay falcelin.

Hesong Shao, oo u hadlay safaaradda oo tixraacaya warbixin kale, oo ay daabacday Rugta Ganacsiga Maraykanka ee Koonfurta Shiinuhu bishii February 27-keedii, inay muujisay in 90% shirkadaha ka qayb galay ra'yi ururintaasi, inay u arkeen dalka Shiinaha inuu yahay meel ku haboon dhinaca maalgashiga, halka 75% oo ka mida shirkadahaasi ay sheegeen inay dib u maalgashanayaan Shiinaha sannadka 2023.

Wuxuu sidoo kale soo qaatay warbixin ay daabacday wasaaradda ganacsiga ee Maraykanka taas oo sheegaysa in ganacsiga Maraykanka iyo Shiinuhu inuu gaadhay illaa $690.6 bilyan oo dollar sannadkii 2022.

Ra'yi ururintan waxaa ka qayb galay illaa 319 ka mida maamulayaasha sare ee shirkadaha waaweyn ee Maraykanka ee ka hawlgala daafaha dunida.

Warbixintan waxaa qoray Joyce Huang sidoo kale waxaa qayb ku darsatay Adrianna Zhang

XS
SM
MD
LG