Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen oo loogu deeqay $1.2 bilyan, balse QM ayaa codsatay in la kordhiyo


Yemen
Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ururisay lacag gaadhaysa illaa $1.2 bilyan oo loogu tala galay gargaarka bini'aadanimo ee dalka Yemen, laakiin lacagtan ayaa aad uga hoosaysa bartilmaameedkii hore ee Qaramada Midoobay ee ahaa $4.3 bilyan si wax looga qabto xaaladaha aadka u daran ee ka jira dalkaas.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay Geneva ayaa wuxuu ballan qaaday in Maraykanku uu bixin doono $444 milyan oo taageero bini'aadanimo ah oo uu siinayo dalka Yemen, isaga oo ugu baaqay deeqbixiyayaasha kale inay gacan u fidiyaan dalkaas.

Bilinken ayaa sheegay in dhaqaale yaridii ku timi dalka Yemen sannadkii hore inay ku qasabtay hay'adaha Qaramada Midoobay inay yareeyaan shaqooyinkii ay dalkaas ka wadeen.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu deeqay dalka Yemen illaa $5.4 bilyan oo doollar tan iyo markii ay colaaduhu ka bilawdeen.

Tan iyo sannadkii 2014 waxaa dalka Yemen uu la daalaa dhacayaa dagaalo sokeeye iyo weliba kuwo ay ku hirdamayaan dawladaha gobolka, taas oo u horseedday inay burburaan kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaasi.

AP/Reuters

XS
SM
MD
LG