Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalmo ka hor doorashada Nigeria, Buhari ayaa magcaabay guddi diyaarisa xilwareejinta madaxweynaha cusub


Nigerian President Muhammadu Buhari in Lagos, Nigeria, on Jan. 24, 2023.
Nigerian President Muhammadu Buhari in Lagos, Nigeria, on Jan. 24, 2023.

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Khamiistii saxeexay amar fulineed oo lagu dhisayo gole fududaynaya xilliga kala-guurka iyo xil-wareejinta madaxweynaha cusub ee ku soo bixi doona, doorashada dalkaas ka dhacaysa bisha February 25-keeda.

Buhari oo 80 jir ah, ayaa dastuurka dalkaasi ka mamnuucay inuu u tartamo doorashada, wuxuuna noqday madaxweynihii labaad ee dalka Nigeria ee dhamaysta laba muddo xileed, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii la soo afjaray nidaamkii milateriga ee dalkaas ka ariminayey, sannadkii 1999.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xoghayaha xidhiidhka gobollada ee Nigeria, inuu guddoomin doono, guddida xil-wareejinta, iyaga oo shaqadooda bilaabi doona maalinta Salaasada.

Illaa saddex musharax ayaa ugu cadcad tartanka doorashada madaxtinimada ee dalka Nigeria, kuwaas oo uu ka mid yahay Bola Tinubu oo ka sharaxan xisbiga talada haya, Atiku Abubakar oo ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn iyo Peter Obi oo ka sharaxan xisbiyada yaryar.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay

XS
SM
MD
LG