War Deg-Deg ah

Wararka ugu dambeeyey ee khasaaraha dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Syria

TURKEY-SYRIA-QUAKE
TURKEY-SYRIA-QUAKE

Kooxaha samatabixinta ee Turkiga iyo Syria ayaa wada dedaal xooggan, iyada oo wakhtiga badbaadadu uu sii yaraanayo, halka uu aad u yar yahay qalabka loo isticmaalayo badbaadinta dadweynaha ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Tirada dhimashada ayaa haatan la sheegayaa inay kor u dhaaftay 20,000 oo qof.

Hay'adda maaraynta masiibooyinka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in illaa 110,000 oo shaqaale ahi inay ka qayb qaadanayaan dedaallada samatabixinta, sidoo kale waxaa loo raray goobaha uu dhulgariirku ka dhacay, illaa 5,500 oo gaadiid ah, sida gawaadhida xamuulka ah, wiishashka, cagaf-cagafyada, iyo qalabka wax lagu qodo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday meel u dhow goobtii xuddunta u ahayd dhulgariirkii deegaankaas ku dhuftay maalintii Isniinta, iyo weliba xuduudda Turkiga iyo Syria.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in in ka badan 17,000 oo qof ay ku dhinteen dhulgariirka, halka in ka badan 63,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca Syria, waxaa dhimashadu maraysaa illaa 2,530 qof, sida laga soo xigtay xukuumadda Syria iyo kooxaha kale ee gurmad qaabilsan.

Warbixintan oo ay wax ka qortay Margaret Besheer, waxaa sidoo kale xogta qaybo ka mida laga soo xigtay AP, AFP iyo REuters.

XS
SM
MD
LG