Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 7,800


Dhimashada dhul-gariirkii ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay in ka badan 7,800 oo qof Talaadadii, iyada oo samata-bixiyeyaasha oo ku shaqeynayay xaaladda adag ee wakhtiga qaboobaha ay dad badan kasoo saareen burburka dhismeyaasha.

Markii baaxadda masiibadu ay sii caddaatay, dhimashadu waxay u muuqatay inay si aad ah kor ugu kacday, waxaana sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay uu sheegay in laga yaabo in kumannaan carruur ah ay dhinteen.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah 10 gobol.

Balse dadka ku nool dhowr magaalo oo Turkiga ah oo ay waxyeelo soo gaartay ayaa muujiyay caro iyo rajo xumo ay sheegeen inay tahay jawaab celin aan ku filneyn oo ay mas’uuliyiintu ka bixiyeen dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay Turkiga tan iyo 1999-kii.

Dhul-gariirkii Isniintii oo cabbirkiisu ahaa 7.8, ayaa saacado kadib waxaa xigay mid labaad oo ahaa mid aad u xooggan, waxaana uu dumiyay kumannaan dhismayaal ah oo ay ku jiraan isbitaallo, iskuullo iyo guryo dabaqyo ah, waxaana ku dhaawacmay tobannaan kun, waxaana ku guryo beelay dad aan tiro lahayn oo ku nool Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Shaqaalaha gurmadka ayaa la tacaalaya sidii ay u gaari lahaayeen meelaha ugu daran ee musiibadani ka dhacday, waxaase dib u celiyay waddooyinkii burburay, cimilo xumo, - agab iyo qalab la’aan, halka meelaha qaarna ay korotadu ka maqneyd, shidaalkiina ka go'ay.

Saraakiisha gargaarka ayaa walaac gaar ah ka muujiyay xaaladda Suuriya, oo ay horay u aafeeyeen masiibo bini'aadantinimo kadib ku dhawaad 12 sano oo dagaal sokeeye ah.

Reuters

XS
SM
MD
LG