Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha dhulgariirka Turkiga iyo Syria oo kor u dhaafay 3,700 oo dhimasho ah


TURQUÍA-SIRIA-SISMO-LO ÚLTIMO
TURQUÍA-SIRIA-SISMO-LO ÚLTIMO

Waxaa sare u kacay khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.8.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 3,400 oo qof, halka la aaminsan yahay in boqollaal qof oo kale, inay ku hoos xanniban yihiin burburka dhismayaasha.

Dhulgariirkan ayaa xudduntiisu ay ahayd meel u dhow deegaanka Gaziantep oo u dhow xuduuda Turkiga iyo Syria, waxaana xigay dhulgariir kale oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.5 kaas oo galabnimadii isna ka dhacay, meel u jirta deegaankan illaa 100 KM.

Dhulgariirkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta dalka Turkiga, waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka uu dhulgariirku ka dhacay ayaa subaxnimadii hore ku baraarugay dhulgariirkan, iyaga oo markaas u soo yaacay debedda, xilli uu jiro qabaw badan, roob iyo barafna uu da'ayo.

Masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 2,316 ay ku dhinteen dhulgariirka halka dhaawacuna uu kor u dhaafay illaa 13,000 oo qof. Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in loo gurmaday illaa 7,800 oo qof oo ku hoos jiray burburka dhismayaasha, halka guryaha burburayna ay gaadhayaan illaa 5,600 oo guri.

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa iyaguna sheegay in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 1,444, halka dhaawacuna ka badan yahay illaa 3,500 oo qof.

Turkiga ayaa ka mida, meelaha ay ku soo noqnoqdaan dhulgariiradu, kuwaas oo khasaare ba'an ka geysta dalkaas, waxaana si weyn loo xasuustaa dhulgariirkii ka dhacay dhinaca Woqooyi Galbeed ee Turkiga, sannadkii 1999, halkaas oo ay ku dhinteen 17,000 illaa 18,000 oo qof.

Golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa uga tacsiyadeeyey Dowladda Turkiga iyo shacabkeedaba, dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa tacsi u diray dalka Turkiga, iyaga oo ku yaboohay inay gacan ka geysanayaan, samatabixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa amray in hay'adaha Maraykanku inay gacan degdeg ah u fidiyaan Turkiga.

Sidoo kale Midawga Yurub ayaa isku dubba riday kooxo gurmad ka geysta deegaanada dhulgariirku ka dhacay, oo ka kala socda dalalka Bulgaria, Croatia, Czeck Republic, Faransiiska, Giriiga, Hungury, Malta, Holland, Poland iyo Romania.

Sidoo kale dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka qayb qaadanayso gurmadka loo fidinayo deegaanada uu dhulgariirku ka dhacay.

Ra'iisal wasaaraha dalka Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu u diri doono Turkiga, kooxo gurmad iyo samatabixinta qaabilsan oo gacan ka geysta in la soo badbaadiyo dadka ku hoos jira burburka, iyo weliba kooxo caafimaad, ka dib marki ay codsi ka heleen dawladda Turkiga.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu u dirayo dalka Turkiga kooxo ka qayb qaata gurmadka iyo samatabixinta.

Ukraine ayaa ka mida dalalka u sheegay Turkiga, inay gacan ka geysanayaan dhibaatada soo gaadhay.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

XS
SM
MD
LG