TEHRAN - Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohammad Khatami iyo ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mir Hossein Mousavi ayaa ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Iran, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado ka dhashay dhimashadii gabadhii yarayd ee lagu magcaabi jiray Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacanta laamaha ammaanka ee dalkaas.
Iyada oo ay soo dhowaatay sannadguuradii 44aad ee kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dalkaas ka curtay sannadkii 1979, ayaa Mir Hossein Mousavi oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee dalkaas ka jira, ayaa ku dhiiraday inuu ku baaqo "isbedel aasaasi ah" oo lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas, isaga oo sheegay inuu waajahayo qalalaase sharci.
Madaxweynihii hore ee dalkaas Khatami ayaa isaguna hoggaamiya dhaqdhaqaaqa isbedel doonka ee dalkaas, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay "in dhacdooyinka maanta muuqdaa inay yihiin kuwo si weyn looga niyadjabo".
Khatami ayaa sheegay inuu rajaynayo in adeegsiga "hababka madaniga ah ee aan rabshadaha wadan" inay "ku qasbi karaan nidaamka dalkaas ka arimiya, inuu bedello habka uu wax u xukumo, isla markaana uu dib u habayn la yimaado".
Mousavi oo haatan ay da'diisu tahay 80 jir ayaa soo jeediyey in la qabto afti xor ah oo madax banaan oo ku saabsan baahida loo qabo isbedel ama in la sameeyo dastuur cusub, isagoo nidaamka haatan jira ku tilmaamay, mid aan sii jiri karayn.
Sannadkii 2009, Mousavi ayaa u tartamay xilka madaxweynaha hase ahaatee wuu guuldaraystay, taasoo keentay inuu madaxweynihii xilligaas Mahmoud Ahmadinejad inuu ku eedeeyo musuqmaasuq baahsan, tallaabadaas ayaa keentay mudaharaado ballaadhan.
Mousavi ayaa xabsi guri la geliyey, iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, wuxuuna xabsi gurigaas ku jiray muddo 12 sannadood ah, waxaana wehelinaysay xaaskiisa Zahra Rahnavard.
Khatami oo isaga da'diisu ay tahay 79 jir ayaa madaxweyne ka soo noqday dalkaas intii u dhexeysay sannadihii 1997 illaa 2005, ka hor inta aan lagu qasbin inuu yareeyo la hadalkiisa warbaahinta.
AFP