Madaxda dalalka Bariga Africa ayaa kulan madaxdeed Sabtida maanta ah ku yeelanaya Burundi iyagoo kaga hadlaya habka lagu dhammeyn karo colaadda ka socota bariga Jmahuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Wadahadalladan oo dalalka xubnaha ka ah Ururka Dalalka Bariga Africa ee EAC ayaa waxaa martigelinaya magaalada Bujumbura, iyadoo EAC ay hoggaamineyso dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu soo afjarayo dagaallada ka socda bariga dalkan aadka u weyn ee ku yaalla bartamaha Africa.
Madaxda ka qeybgaleysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi iyo sidoo kale Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo lagu eedeeyay in uu taageero fallaagada M23 oo dhowaan dib usoo laba kacleysay islamarkaana qabsatay dhul badan oo ka mid ah bariga DRC.
“Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qiimaynta khariiddada Luanda, kaasi oo dalbanaya in si dhab ah looga saaro ciidamada M23/RDF (Ciidanka Difaaca Rwanda) ee aagaga la haysto ka hor 15-ka Jannuary” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Congo oo lagu baahiyay Facebook, kaasi oo tixraacaya heshiiskii dalka Angola lagu galay ay bishii July ee sanadkii hore.
Kagame ayaa booqashadiisii u horreysay ku tagay Burundi tan iyo 2013-kii markaasi oo uu ka qeybgalay dabaal-degyada xorriyada dalkaasi iyadoo xiisadda labada dal ee deriska ah ay cirka mareysay.
Madaxda kale ee ka qeybgalaya shir madaxeedka oo furmay duhurnimadii maanta ayaa sida ay sheegtay dowladda Burundi waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan.
Ururka EAC ayaa waxaa xubno ka ah Burundi, the DRC, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.
AFP