Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangiyada Ruushka iyo Iran oo samaystay nidaam gaar ah oo ay lacagaha isugu diraan


FILE - A Russian state flag flies over the Central Bank headquarters in Moscow, March 29, 2021. The sign reads "Bank of Russia".
FILE - A Russian state flag flies over the Central Bank headquarters in Moscow, March 29, 2021. The sign reads "Bank of Russia".

Sarkaal sare oo u hadlay dalka Iran ayaa sheegay in dalalka Iran iyo Ruushku inay isku xidheen hannaanka isgaadhsiinta ee bangiyadooda iyo nidaamka kala wareejinta lacagaha, si arrintaasi ay gacan uga geysato kor u qaadista ganacsiga iyo macaamilka maaliyadeed. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalalka reer galbeedku ay saareen cunaqabatayn maaliyadeed Iran iyo Ruushka.

Tan iyo sannadkii 2018, oo ahayd markii uu Maraykanku ka laabtay heshiiskii hubka nukliyeerka ee Iran, isla markaana uu soo celiyey cunaqabtaynadii saarnaa dalkaasi, waxay Iran ka maqnayd nidaamka is-afgarashada ee bangiyada ee loo yaqaano Swift Code kaas oo xaruntiisu ay tahay Belgium, nidaamkan ayaa xuddun u ah xidhiidhka iyo is-afgarashada bangiyada caalamka.

Xannibaado kuwaas la mid ah ayaa sidoo kale lagu soo rogay bangiyada dalka Ruushka, tan iyo markii ay weerarka ku qaadeen dalka Ukraine, sannadkii hore.

Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Iran Mohsen Karimi ayaa sheegay inaanay bangiyada Iran u baahnayn nidaamka is-afgarashada bangiyada ee SWIFT, marka ay xidhiidhada maaliyadeed ay isdhaafsanayaan bangiyada Ruushka ku yaalla.

Inkasta oo bangiga dhexe ee Ruushku uu ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiiska la saxeexay, haddana Karimi ayaa sheegay in illaa 700 oo bangi oo Ruushka ah iyo illaa 106 bangi oo kale oo laga kala leeyahay illaa 13 waddan oo kala duwan inay ku xidhiidhi doonaan nidaam gaar ah oo ay lacagaha isugu diri doonaan.

Reutes

XS
SM
MD
LG