Wakaaladda tamarta ee Talyaaniga ee Ani iyo shirkadda Shidaalka ee dalka Liibiya ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya illaa $8 bilyan oo ah soo saarista gaasta.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu khafiifiyo gaas yarida soo wajahday qaaradda Yurub, inkasta oo Liibiya ay ka jirto xaalad amni darro iyo weliba fawdo siyaasadeed.
Warbixin ku saabsan amuurtaas waxaa magaalada london inooga soo direy Wariyaha VOA ee qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.