Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay koonfurta Pakistan, ka dib markii gaadhi bas ah oo xawli u socday oo ka yimi deegaanka Quetta una socday magaalada Karachi uu shil ku galay doox ku yaala deegaanka Laasbela.
Hamza Anjumk oo ah kaaliyaha guddoomiyaha deegaanka Lasbela ayaa u sheegay wargeys Pakistani ah oo lagu magcaabo Dawn, in gaadhiga baska ah oo ku socday xawaare sare, inuu isku dayey inuu leexdo, hase ahaatee uu ku dhacay mid ka mida tiirarka buundo halkaas ku taalla, taas oo keentay in gaadhiga baska ahi uu ku dhaco doox halkaas ku yaalla, ka dibna uu dab ka kaco.
Dhinaca kale, waxaa dalka Pakistan, isla Axaddii ka dhacay, shil kale oo naxdin leh, ka dib markii ay 10 caruur ahi ay ku dhinteen doon ay la socdeen oo ku degtey harada Tanda Dam ee ku taalla woqooyiga-galbeed ee Pakistan, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.
Wargeyska Dawn oo Pakistani ah, hase ahaatee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in la soo badbaadiyey illaa 17 caruur ah iyo macallinkoodii, iyada oo afar ka mida caruurtaas uu xaalkoodu liito.
Ardaydan ayaa ahayd kuwo wax ka barta madarad diini ah oo deegaankaas ku taalla.
Warbixintan waxaa qortay VOANEWS