Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas


Russian Foreign Minister Lavrov meets with Eritrean President Afwerki in Asmara
Russian Foreign Minister Lavrov meets with Eritrean President Afwerki in Asmara

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria.

Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas.

Lavrov ayaa uga mahadceliyey dalka Eriteria, taageerada ay u muujiyeen Ruushka.

Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in labada dhinac ay samayn doonaan daraasad wadajir ah, si la isaga kaashado fursadaha saadka iyo gaadiidka ee ay ka jira dekedda badda cas ee Massawa iyo garoonkeeda diyaaradaha.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso suurtagalnimada isticmaalka awoodda saadka ee dekedda Massawa iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Gegida diyaaradaha ee Massawa waxay u muuqataa mid soo jiidasho leh, marka loo eego suurtagalnimadeeda inay xuddun u noqoto kala wareejinta rakaabka," ayuu yidhi Lavrov.

Booqashada Lavrov ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jiraan saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo ku sugan Qaaradda Afrika, kuwaas oo ku hawlan kor u qaadista xidhiidhka Maraykanka iyo dalalka Afrika.

Warbixintan waxaa qortay REuters.

XS
SM
MD
LG