Xildhibaanka laga soo doorto Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo guddiga ganacsatada Soomaalida ee isla xaafaddaas, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin burcad taleefonada ka dafa ama ka qaada dadka ku nool xaafaddaas iyo sidii wax looga qaban lahaa nadaafad darrada ka jirta xaafadda Islii.
Weriyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.