Wasaaradda arrimaha dibadda ee Canada ayaa sheegtay in dowladda Cameroon iyo qeyb ka mid ah kooxaha gooni u goosadka ah ee ka dagaallama gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi ay isku raaceen in ay bilaabaan hannaan ay ku doonayaan in lagu xalliyo colaadda galaafatay nolosha dad ka badan lix kun oo qof. Warbixin ay VOA qortay waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.