Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi: Dilalka iyo ka ganacsiga daroogada oo ku soo badanaya dhalinyarada Soomalida ee Sweden degan


Yoonis Khalif Hassan

Dalka Sweden wuxuu ka mid yahay dalalka ku yaalla wadamada galbeedka ee ay ku nool yihiin Soomaalida badani, waxaana dalkaas ka jira dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca toogashada, ka ganacsiga daroogada iyo isdilka dhalinyarada Soomaalida.

Magaalada Gothernburg ayaa Ururka Bay-yon Klubb wuxuu la shaqeeyaa guud ahaan jaaliyadda Soomaalida iyaga oo xoogga saara dhalinta iyo waalidiinta.

Yoonis Khalif Hassan waa Xoghayaha Fulinta ee Ururkaas, wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail oo ku sugan magaalada Gothernburg ee dalka Sweden ayuu uga waramay sida ay ula shaqeeyaan Jaaliyadda Soomaalida ee deggan magaaladaas iyo guud ahaanba dalka Sweden.

Waraysiga Yoonis Khaliif Xasan
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:03 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG