Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo UAE u tegey heshiisyada 'iibka hubka'


From left, South Korean first lady Kim Keon Hee, South Korean President Yoon Suk Yeol and Emirati leader Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan attend a ceremony at Qasar Al Watan in Abu Dhabi, United Arab Emirates, Jan. 15, 2023.
From left, South Korean first lady Kim Keon Hee, South Korean President Yoon Suk Yeol and Emirati leader Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan attend a ceremony at Qasar Al Watan in Abu Dhabi, United Arab Emirates, Jan. 15, 2023.

ABU DHABI, Imaaraadka Carabta - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo olole ugu jira inuu ballaadhiyo heshiiska iibka hubka ee u dhexeeya labada dal.

Booqashada madaxweyne Yeol ayaa ku soo aadaysa, xilli ay Kuuriyada Koonfureed waddo inay dalka Imaaraadka Carabta la gasho heshiisyo ganacsi oo ku kacaya balaayiin dollar iyo saldhigyo loogu talo galay ciidamada gaarka ah, si ay u difaacaan Imaaraadka Carabta. Qorshahan ayaa dhaleecayn kala kulmay, madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxweyne Yeol inuu doonayo inuu laba jibbaaro xidhiidhka milateri ee labada dal ka dhexeeya, xataa iyada oo dalka Iran uu si weyn uga soo horjeedo, taasoo xataa sababtay inay qabsadaan markab shidaal oo laga leeyahay dalka Kuuriya Koonfureed, sannadkii 2021.

"Waxaan u maleynayaa in xaaladda Bariga Dhexe ay si degdeg ah isu beddeshay marka ay timaado siyaasadda juquraafiga," ayuu yidhi June Park, oo saaxiib la ah Madasha Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Schmidt Futures. "Sidaa darteed Kuuriya waxay dooneysaa inay hubiso in qaar ka mid ah iskaashigeeda istiraatejiga ah ee ay la leedahay ... UAE" inay sii jiraan.

Horeyba Kuuriyada Koonfureed waxay dalka Imaaraadka Carabta ula gashay heshiis gaadhaya $3.5 bilyan sannadkii 2022 si ay uga iibiso M-SAM, oo ah nidaamka difaaca hawada horumarsan oo loogu talagalay inuu ka hortago gantaallada jooggoodu ka hooseeya 40 kiiloomitir.

Imaaraadka Carabka ayaa walaac xooggan ka qaba bedqabka iyo maamulka hawadooda, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ay heleen gantaallada ridada dheer.

Inkasta oo ciidamada Maraykanka oo isticmaalaya nidaamka difaaca hawada ee horumarsan ee Patrior ay ka difaaceen caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi weeraro lagu qaaday oo dhinaca cirka ah oo ay qaadeen xuutiyiintu, haddana dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn uga walaacsan isku hallaynta ciidamada Maraykanka, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Maraykanku uu si habqan ah uga baxay dalka Afghanistan.

Hase ahaatee mashruuca ugu weyn ee ay Kuuriyada Koonfureed horkacayso ayaa ah, wershedda tamarta nukliyeerka ee Barakah, taas oo ah, isku daygii ugu horreeyey ee ay Kuuriyada Koonfureed ay wershed noocana kaga dhisayso meel ka baxsan dalkeeda.

Wersheddan ayaa ku kacaysa illaa $20 bilyan, waxaana laga hirgelinayaa saxaraha galbeed ee Imaaraadka Carabta, meel u dhow xuduudda ay la wadaagaan Sucuudiga, waxayna awoodi doontaa inay wakhti yar ku soo saarto ku dhowaad rubuc ka mida tamarta uu u baahan yahay dhamaan dalka Imaaraadku.

Warbixintan waxaa qortay AP

XS
SM
MD
LG