Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israa'iil oo sharci dhinaca socdaalka ah kala noqotay wasiirka arrimaha debedda ee Falastiin


Palestinian Foreign Minister Riad Malki speaks during a press conference at the International Criminal Court, May 22, 2018.
Palestinian Foreign Minister Riad Malki speaks during a press conference at the International Criminal Court, May 22, 2018.

JERUSALEM — Wasiirka arrimaha debedda ee Falastiin ayaa Axaddii sheegay in Israa'iil ay kala noqotay sharci dhinaca socdaalka ah, taas oo qayb ka ah tallaabooyin ciqaab ah oo ay dawladda cusub ee Israa'iil ay ku beegsanayso Falastiiniyiinta.

Riad Malki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo laabanayey caleemo saarka madaxweynaha Brazil, markii lagu wargeliyey in Israel ay kala laabatay sharcigii uu ku safri lahaa.

Sharciga lagala laabtay ayaa ah mid madaxda Falastiiniyiinta u saamaxaya inay si fudud ugu safraan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, si ka duwan Falastiiniyiinta caadiga ah.

Xukuumadda Israa'iil ayaa Jimcihii ansixisay tallaabooyin lagu ciqaabayo Falastiiniyiinta, si ay ugaga aargoostaan doorka ay ka cayaareen in hay'adda ugu sarraysa dhinaca garsoorka ee Qaramada Midoobay inay aragti ka dhiibto dhulka ay haysato Israa'iil.

Go'aankan ayaa muujinaya heerka uu taagan yahay mowqifyada ad-adag ee xukuumadda cusub ee Israa'iil ay kula dhaqmayso Falastiiniyiinta, iyada oo xilka haysa maalmo kooban.

Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyey tallaabadan, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay 'xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah'.

Suuro gal may noqon in la helo falcelinta masuuliyiinta Israa'iil oo la isku dayay in arrintan wax laga weydiiyo.

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay shirkii golaha wasiirada ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga danleeyahay in lagaga hortago, waxa uu ugu yeedhay 'tallaabooyinka xag-jira ee looga soo horjeedo Israa'iil' ee ka socda Qaramada Midoobay.

AP

XS
SM
MD
LG