Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil: Taageerayaasha madaxweyne Bolsonaro oo xoog ku galay xarumaha dowladda


BRAZIL-POLITICS-BOLSONARO-SUPPORTERS-DEMONSTRATION
BRAZIL-POLITICS-BOLSONARO-SUPPORTERS-DEMONSTRATION

RIO DE JANEIRO - Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro oo diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday ayaa Axaddii waxay xoog ku galeen aqalka Congress-ka, dhismaha maxkamadda sare iyo xarunta madaxtooyada ee dalkaas.

Kumanaan ka mida debedbaxayaasha ayaa dhaafay goobaha laga sugo ammaanka xarumahan dawladda, iyada oo qaar ka mida debedbaxayaashu ay u baxeen saqafka sare ee dhismayaasha, halka qaar kalena ay burburiyeen muraayadihii ku yaallay daaqadaha.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin Axad ah oo aanay dad badani joogin dhismayaasha dawladda.

Laamaha ammaanka ee dalka Brazil ayaa intaas ka dib waxay sameeyeen hawlgallo kala duwan oo ay taageerayaasha cadhaysan kaga saarayaan dhismayaasha dawladda. Intii ay hawlgalladani socdeen, waxay xabsiga dhigeen boqollaal ka mida debedbaxayaasha xoogga ku galay dhismayaasha dawladda.

Dhacdooyinkan, oo u eg weerarkii lagu qaaday aqalka Congress-ka Maraykanka bishii January 6-deedii ee 2021, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo toddobaad uun ka hor, xafiiska madaxweynaha loo dhaariyey madaxweynaha u janjeedha dhinaca bidix ee Luiz Inacio Lula da Silva.

Taageerayaasha Bolsonaro ayaa tan iyo 30-kii bishii Oktoobar waxay dhigayeen mudaharaado ay uga soo horjeedaan guusha doorashada madaxweyne Lula da Silva, iyagoo xidhay waddooyinka, mararka qaarna dab qabadsiiyay baabuur, waxayna isku urursadeen bannaanka dhismayaasha militariga, iyagoo weydiistay xoogagga hubeysan inay soo farageliyaan.

AP

XS
SM
MD
LG