Isku xirrada

War Deg-Deg ah

South Sudan: Wariyeyaal loo xiray muuqaal laga baahiyay Madaxweyne Kiir


Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xiray ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaadinaya.

Shaqaalahan oo ka tirsan warbaahinta dowladda Koonfurta Suudaan ayaa Talaadadii waxaa xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, sida uu sheegay Guddiga Difaaca Suxufiyiinta, oo xiganaya warbixinnada warbaahinta iyo ilo kale oo arrintan la socda.

Waxaa ku socda baaritaan ku saabsan muuqaal bishii December lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo u muuqday in uu muujinayo Kiir oo is-qooyay xilli uu ku jiray howl rasmi ah, sida ay wararku sheegayaan, ayay CPJ oo fadhigeedu yahay New York ku tiri bayaan ay gelinkii danbe ee Jimcihii soo saartay.

Wakiilka CPJ ee dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika Muthoki Mumo ayaa sheegay in xariggan uu qeyb ka yahay habka ay xubnaha hay’adda nabad-sugiddu ugu “kacaan xarig aan sabab laheyn markasta oo ay saraakiishu u arkaan in warka baahay uusan wanaagsanayn” ayuu yiri.

“Waa in maamulku si aan shuruud laheyn ku sii daayaan lixda wariye ee warbaahinta SSBC ayna xaqiijiyaan in ay shaqeyn karaan iyagoo aan wajaheynin caga-jugleyn iyo hanjabaad xarig ah” ayuu yiri.

Ururka wariyeyaasha qaran ee Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda in ay “si degdeg ah ku soo gabagabeyso” baarista ay ku waddo lixda wariye oo uu ururku sheegay in lagu tuhmayo in ay “wax ka ogaayeen in qeybo ka mid ah muuqaalka la baahiyo”.

“Haddii uu jiro kiis anshax-xumo xirfadeed ah ama dembi markaa mas'uuliyiintu waa in ay dedejiyaan hab maamul ama sharci si arrintan ugu dhacdo hannaan caddaalad ah, daah-furan oo waafaqsan sharcig,” ayuu ururku ku yiri bayaankiisa.

AFP

XS
SM
MD
LG