Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congress-ka Maraykanka oo markii 14aad isku dayaya inuu doorto Afhayeenka golaha


Congress
Congress

Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii afraad wuxuu ku guda jiraa doorashada afhayeenka golaha, iyada oo xildhibaanada kala qaybsan ee xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda goluhu ay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqda afhayeenka golaha.

Kevin McCarthy oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa 13 jeer oo la codeeyey wuxuu gaadhi waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.

Illaa 20 musharax oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay musharax xisbiga Jamhuurigu wato ee Kevin McCarthy, hase ahaatee, mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya inuu jiro isfaham iyo isu soo dhowaansho.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay inay jiraan illaa 15 mudane oo hore uga soo horjeeday Kevin McCarthy oo haatan laga rajo qabo inay u codeeyaan.

Golaha ayaa haatan bilaabay inuu markii 14aad u codeeyo afhayeenka golaha congresska.

Arrintan ayaa noqotay loollankii ugu muddada dheeraa ee loo galo kursiga afhayeenka golaha congress-ka muddo ku siman 164 sannadood.

Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod. Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 cod, hase ahaatee xildhibaanada qaarkood ayaa diidan musharaxa xisbigooda, una arka inaanu u qalmin booska uu u tartamayo.

AP

XS
SM
MD
LG