Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eedaha loo jeediyey Qatar oo galaafatay mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub


FILE - European Parliament President Roberta Metsola attends a press conference during European Council Summit in Brussels, on Dec. 15, 2022
FILE - European Parliament President Roberta Metsola attends a press conference during European Council Summit in Brussels, on Dec. 15, 2022

LONDON — Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midawga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, ka dib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa ka digan, in baadhista uu wado Midawga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midawga Yurub. Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah, mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midawga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baadhitaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midawga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd, inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midawga Yurub.

Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loosoo jeediyey.

Henry Ridgwell ayaa warbixintan diyaariyey

XS
SM
MD
LG