Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Yurub oo $414 milyan ku ganaaxay shirkadda Meta


FILE - Meta's logo can be seen on a sign at the company's headquarters in Menlo Park, Calif., on Nov. 9, 2022.
FILE - Meta's logo can be seen on a sign at the company's headquarters in Menlo Park, Calif., on Nov. 9, 2022.

Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa Arbacadii waxay malaayiin dollar ku ganaaxeen shirkadda iska leh Facebook ee Meta, iyaga oo ku eedeeyey xadgudubyo la xidhiidha xogta gaarka ah, iyaga oo ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tahay 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ku salaysan go'aankooda laba arimood oo laga yaabo inay ruxaan, qaabka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda iyo xayaysiisyada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku salaynaysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay internetka isticmaalayaan.

Shirkadda ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayso go'aankan.

Waxaa jira go'aan saddexaad oo ka dhan ah adeegga fariimaha la isku dhaafsado ee Whatsapp ee ay leedahay shirkadda Meta, kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan.

Shirkadda Meta iyo shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, kuwaas oo ah qaar ka mid ah kuwa ugu adag adduunka.

AP ayaa warbixintan qortay

XS
SM
MD
LG