Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Philippine: '51' qof oo ku dhintay daadad xoogleh oo ku dhuftay dalkaas


Rescue workers help people affected by floods, in Plaridel, Misamis Occidental Province, Philippines, Dec. 26, 2022.(Philippine Coast Guard)
Rescue workers help people affected by floods, in Plaridel, Misamis Occidental Province, Philippines, Dec. 26, 2022.(Philippine Coast Guard)

MANILA, PHILIPPINES — Kumanaan qof oo u dhashay dalka Philippine ayaa ku nool goobo loo asteeyey 'in la dego xilliga ay jiraan xaaladaha degdegga ahi', ka dib markii ay dalkaas ku dhufteen daadad aad u xoog badan, waxaana sii kordhaysa tirada dhimashada.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya in tirada dhimashadu marayso 51 ruux, halka weli la la'yahay illaa 19 qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Philippine.

Muuqaallo la soo duubay ayaa muujinaya iyada oo dadka deegaanku ay isticmaalayaan xadhko, inay kaga gudbaan daadadka xannibay guryahooda.

In ka badan 4,500 oo guri ayaa waxyeello soo gaadhay, waxaana sidoo kale googo'ay waddooyinka iyo bundooyinka magaalooyinka, halka goobaha qaarkood ay weli la tacaalayaan korontadii iyo biyihii oo ka maqan, sida ay sheegeen guddida maaraynta masiibooyinku.

Illaa 22 magaalo iyo dawlado hoose ayaa ku dhawaaqay inay ku jiraan xaalad 'masiibo' bini'aadanimo, taasoo u ogolaanaysa inay helaan kaalmo degdeg ah oo wax lagaga qabto xaaladda ay ku sugan yihiin.

AP ayaa qortay warbixintan.

XS
SM
MD
LG