Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala beegsaday 'goob laga ilaaliyo' xaafado ay degan yihiin safaarahada iyo madaxda Afghanistan


Taliban fighters check the site of an explosion, near the Interior Ministry, in Kabul, Afghanistan, Jan. 1, 2023.
Taliban fighters check the site of an explosion, near the Interior Ministry, in Kabul, Afghanistan, Jan. 1, 2023.

KABUL – Bam ayaa ku qarxay meel u dhow garoonka diyaaradaha milateriga ee Kabul, subaxnimadii hore ee Axadda, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay ‘dhawr qof’, sida uu sheegay sarkaal u hadlay xukuumadda Taliban, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dhimasho keena ee dalkaas ka dhaca, sannadkan cusub ee 2023.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, hase ahaatee waxaa ururka xidhiidhka la leh ISIS ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyagu waxay weeraro joogto ah la beegsadaan xukuumadda Taliban. Ururkan ayaa la baxay ‘Dawladda Islaamiga ah ee gobolka Khorasan’.

Gegida diyaaradaha ee milateriga ayaa waxay illaa 200 oo mitir u jirtaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, wuxuuna u dhow yahay wasaaradda arrimaha gudaha oo ah goobtii uu weerarka ismiidaaminta ahi ka dhacay bishii October, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban, Cabdul Naafi Takor, ayaa sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee ma sheegin tiro sax ah ama xog dheeri ah oo ku saabsan qaraxan.

Inkasta oo laamaha ammaanka ee Taliban ay ka hortageen in wax muuqaallo ah laga duubto goobta weerarku ka dhacay, ayaa haddana waxaa la arkayey barta kaantaroolka ee weerarku ka dhacay oo burbur xooggani soo gaadhay.

Waddada weerarku ka dhacay ayaa waxay gashaa xaafado ammaankooda aad loo ilaaliyo, kuwaas oo ay degan yihiin wasiirada xukuumadda, safaaradaha iyo qasriga madaxtooyada.

Warbixintan waxaa qortay AP

XS
SM
MD
LG