Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa sababay hoos u dhaca weyn ee ku yimid shilinka Kenya iyo Uganda?


Lacagta shilinka Kenya ayaa hoos u dhacday Arbacadii kadib markii ay kordheen dalabaadka dollarka ee shirkadaha ka gacansada shidaalka, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Horrantii Arbacadii, ayaa shilinka Kenya waxa uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyada oo sariifku ahaa 123.30/50 dollar, sida ay sheegtay xogta Refinitiv oo ah shirkad la socota xogta maaliyadeed iyo koboca dhaqaalaha.

Suuqyada Kenya ayaa xirnaa Isniintii iyo Talaadadii fasaxyada kirismaska daraadood.

Dhinaca kale, Lacagta Shilinka Uganda ayaa iyana Arbacadii hoos u dhacday maalintii labaad oo xiriir ah, taasoo hoos u dhigtay sare u kac ku yimid dalabaadka dollarka ee ganacsatada wax soo dejisa iyo bangiyada ganacsiga, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Bangiyada ganacsigu waxay shilinka kusoo xareysanayeen 3,705/3,715, marka la barbar dhigo maalintii Talaadada ee suuqu lagu soo xiray 3,690/3,700.

Reuters.

XS
SM
MD
LG