Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Ukraine oo dalbaday kaalmo difaac oo deg deg ah


Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ka hadlay kulan ay Isniintii dalka Latvia ku yeesheen hoggaamiyeyaasha kooxda ciidamada isku dhafka ah ee loo soo gaabiyo (JEF) ayaa si degdeg ah u dalbaday kaalmo militari iyo mid difaac oo dheeri ah.

Ciidamada Isku-dhafka ah ee ay hoggaamiso boqortooyada UK, waxaa dalalka xubnaha ka ah ka mid ah Denmark, Finland, Estonia, Iceland, Latvia, Lithuania, Netherlands, Sweden iyo Norway; siddeed ka mid ah kooxda ayaa sidoo kale xubno ka ah Isbahaysiga NATO, iyadoo Finland iyo Sweden aysan wali ka mid noqon isbahaysigaasi militari.

Warbixin ay VOA qortay ayaa waxaa noo soo koobaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha Ukraine oo dalbaday kaalmo difaac oo deg deg ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:35 0:00

XS
SM
MD
LG