Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab ka kacay dhisme ku yaalla dalka Faransiiska oo sababay dhimasho iyo dhaawac


FRANCE-FIRE
FRANCE-FIRE

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab Jimcaha maanta ah ka kacay guryo la dagganyahay oo ku yaalla deegaanka Vaulx-en-Velin, oo u dhaw magaalada Lyon.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in afar qof oo kale uu soo gaaray dhaawac halis ah. Dabka ayaa ka billowday dabaqa ugu hooseeya ee dhisme ka kooban toddoba dabaq.

Darmanin ayaa sheegay in weli aan la go’aamin karin waxa sababay dabka, balse wuxuu ammaanay dab-damiska oo goobta yimid 12 daqiiqo kadib markii lagu wargeliyey.

“Waxay awoodeen inay bad-baadiyaan 15 qof ayaga oo naftooda halis geliyey kagana soo booday dabaqa banaanka… waxay soo badbaadiyeen caruur saarneyd illaa dabaqa toddobaad,” ayuu yiri.

Xafiiska Dacwad-oogista Lyon ayaa sheegay inuu furay kiis lagu baarayo waxa sababay dabka oo billowday saakay aroortii hore ee saakay.

Haddaba weriyaha VOA, Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa dabkan ka waraystay Mohamed Ahmed Muuse Dirir oo ah degan magaalada Lyon.

Dab ka kacay Faransiiska
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00
XS
SM
MD
LG