Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf ka dhex jira maamulka iyo shaqaalaha New York Times oo sababay shaqo joojin


A guild member holds a placard supporting a union walk-out, outside the New York Times building in Manhattan, New York, Dec. 8, 2022.
A guild member holds a placard supporting a union walk-out, outside the New York Times building in Manhattan, New York, Dec. 8, 2022.

Boqollaal ka mida saxafiyiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa maalintii Khamiistii sameeyey shaqo joojin soconaysa 24 saacadood, taasoo ah shaqo joojintii ugu horraysay ee noocaas ah ee ay sameeyaan shaqaalaha wargeysku in ka badan 40 sannadood.

Guddida shaqaalaha ee wargeyska ayaa sheegay inay khaatiyaan ka istaageen, gorgortanka aan natiijadu ka soo baxayn ee soo socday tan iyo bishii March ee sannadkii 2021, xilligaas oo uu dhamaaday heshiiskii hore. Ururka Shaqaalaha ayaa toddobaadkii hore sheegay in in kabadan 1,100 shaqaale ahi inay qaban doonaan shaqo joojin socon doonta 24 saacadood, taasoo bilaabmaysa 12 habeenimo ee Khamiista, haddii aan labada dhinac aanay gaadhin wax heshiis ah.

The NewsGuild oo ah urur ay ku jiraan xirfadlayaasha dhinaca saxaafadda ayaa xafiiskooda New York wuxuu bartiisa twitterka ku soo qoray in shaqaaluhu ay haatan si rasmi ah shaqada u joojiyeen, taasoo ah tallaabadii noocan ahayd ee ay shaqaaluhu qaadaan muddo 40 sano ah, waxaana ay qoraalkooda sii raaciyeen, inay tahay goaan adag inaad joojisid shaqo aad jeceshahay, hase ahaatee ay tallaabadaas u qaadeen inay dooddooda ka midho dhaliyaan.

Wadaxaajoodyo ayaa socday maalmihii Salaasada iyo Arbacada, hase ahaatee labada dhinac ayaan gaadhin wax isfaham ah, taasoo ay isku maandhaafeen dhinaca mushaharka, in shaqaaluhu ay ka soo shaqayn karaan guryahooda iyo hannaanka loo qiimeeyo shaqaalaha, taasoo ururka shaqaaluhu ay sheegeen inuu yahay mid u nugul in la sameeyo eex dhinaca isirka ah.

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times Danielle Rhoades Ha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iyadoo uu socdo wada xaajoodka labada dhinac, in shirkadda lagu soo wargeliyey in shaqaalihii ay shaqo joojin sameeyeen.

“waa arrin laga niyad jabo in illaa xad, tallaabo noocaas ah qaadaan, iyada oo aan lagu jirin xaalad cakiran” ayuu yidhi.

Afhayeenka u hadlay wargeyska New York Times ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in shirkadda uu u dejisan yahay qorsheyaal cadcad, oo u saamaxaya inay sii wadaan inay shaqada wargeysku sii socoto, waxaana ka mida qorshayaashaas inay ku tiirsanaadaan saxafiyiinta caalamiga ah iyo weriyayaasha kale ee aan xubnaha ka ahayn ururka shaqaalaha.

AP

XS
SM
MD
LG